Cabdi Daysane ayaa ku guuleystay doorashada hordhaca ah ee xisbiga DFL, isagoo u tarmamayay kursiga Degmada 14A ee Aqalka Wakiillada - oo matalaysa qaybo ka mid ah magaalada St. Cloud - ee gobolka Min..
16/09/26 • 15 Pogledi
Cabdi Daysane ayaa ku guuleystay doorashada hordhaca ah ee xisbiga DFL, isagoo u tarmamayay kursiga Degmada 14A ee Aqalka Wakiillada - oo matalaysa qaybo ka mid ah magaalada St. Cloud - ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Daysane oo u gudbay doorashada guud ayaa helay 2,262 cod, oo u dhiganta 62.52%, isagoo ka adkaaday Paul R. F. Schumacher, oo helay 1,356 cod, ama 37.48%.
Daysane, oo ah ganacsade iyo hoggaamiye bulshada ah oo ku nool magaalada St. Cloud, ayaa doorashada hordhaca ah galay isagoo haysta taageerada iyo ansixinta xisbiga DFL. Guushiisa ayaa siisay magacaabista xisbiga, taasoo u gogol xaaraysa inuu u tartamo doorashada guud.
Natiijada doorashada hordhaca ah waxay Daysane u tahay tallaabo muhiim ah, waxaana uu hadda diiradda saari doonaa doorashada guud iyo ololaha ballaaran ee ka horreeya.






