Mareykanka oo xaqiijiyay inuu hub dagaal geeyay hawada sare

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in ay hawada sare geysay hub loogu tala-galay hawl-gallada dagaalka hawada sare, taas oo muujinay..

16/09/26  •  3 Ansichten

Nachrichten & Politik
Koonis  avatar

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in ay hawada sare geysay hub loogu tala-galay hawl-gallada dagaalka hawada sare, taas oo muujinaysa isbeddel cusub oo ku yimid awoodda milatari ee Washington ee ka baxsan jawiga Dhulka.

Xoghayaha Ciidanka Cirka Mareykanka, Troy Meink ayaa sheegay in hubka hawada sare ku sugan uu muhiim u yahay ilaalinta ciidamada Mareykanka iyo ka hortagga khataraha uga iman kara dalalka ay loollanka milatari kala dhexeeyo.

Meink ayaa caddeeyay in Mareykanku diyaar u yahay inuu wajaho waxa uu ku tilmaamay “khataraha isbeddelaya”, balse ma uusan shaacin nooca hubka la geeyay iyo waqtigii hawada sare loo diray.

0 Bemerkungen
Keine Kommentare gefunden

In Verbindung stehende Artikel