Trump: 'Madaxweynaha Soomaaliya wuu diiday in uu Ilhan Omar u wato Soomaaliya'

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isagoo warbaahinta kula hadlayey Aqalka Cad mar kale magac dhabay Ilhaan Cumar oo uu sheegay inuu kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ma..

16/09/26  •  4 ভিউ

সংবাদ ও রাজনীতি
Koonis  avatar

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isagoo warbaahinta kula hadlayey Aqalka Cad mar kale magac dhabay Ilhaan Cumar oo uu sheegay inuu kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mar uu la kulmay.

"Waxaad ogtahay inaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, waxaan u soo jeediyey haddii uu jeclaan lahaa inuu kaxaysto iyada", ayuu yiri Trump balse wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan ugu jawaabay "inuusan doonayn".. Madaxweyne xigeenka dalka J Vance iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Trump oo qolka kula sugnaa ayaa si weyn ugu qoslay arrintaasi.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka falcelisay hadalka Trump ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda X, ee horrey loo oran jiray Twiter waxay ku sheegtay Trump inuu lahay qof beenlow ah.

"Horrey wuxuu u diiday in Soomaaliya leedahay madaxweyne, haddana been kale ayuu abuurayaa.Madaxweyne Trump waa nacas been low ah oo an sinaba hadaladiisa waji gabaxa leh loo rumaysan karin.

0 মন্তব্য
কোন মন্তব্য পাওয়া যায়নি

সম্পরকিত প্রবন্ধ