Wasaarada A/Dibadda oo si weyn loogu dhalleeceeyay arrin ay maanta sameysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay inay si weyn uga xun tahay burbur ka dhacay goob macdanta dahabka laga qodo oo ku t..

16/09/26  •  5 مناظر

خبریں اور سیاست
Koonis  avatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay inay si weyn uga xun tahay burbur ka dhacay goob macdanta dahabka laga qodo oo ku taalla tuulada Zamboye ee galbeedka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Wasaaradda ayaa sheegtay in burburkaasi ay ku dhinteen in ka badan boqol qof, halka dad kalena weli la la’yahay. Wasaaradda ayaa iyadoo ku hadlaysa magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, gaar ahaan qoysaska ay ka geeriyoodeen qaar ka mid ah eheladooda.

“Iyadoo labada dal ay yihiin xubno ka wada tirsan Midowga Afrika, dowladda Soomaaliya waxay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe xilligan adag ee murugada leh, waxayna u muujinaysaa garab-istaag dadka ku dhaawacmay iyo dhammaan kuwa ku hawlan gurmadka socda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda.

0 تبصرے
کوئی تبصرہ نہیں ملا

متعلقہ مضامین