Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ururka siyaasadeed ee Towfiiq oo uu hoggaamiyo Sheekh Shaakir ayaa si adag uga horyimid go’aanka guddiga doorashada ee looga reebay liiska ururrada loo oggolaaday ina..
16/09/26 • 14 Visningar
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ururka siyaasadeed ee Towfiiq oo uu hoggaamiyo Sheekh Shaakir ayaa si adag uga horyimid go’aanka guddiga doorashada ee looga reebay liiska ururrada loo oggolaaday inay ka qeyb galaan doorashada ku celiska ah ee maamulka Galmudug.
Ururka ayaa sheegay inuusan aqbalayn go’aankaasi, isagoo caddeeyay inuu diyaar u yahay ka qeyb-galka doorashada, balse uu doonayo in hannaanka doorashada loo maro sharciga, xeerarka iyo habraacyada loo dejiyay.
Towfiiq ayaa sheegay in arrinta ay si gaar ah walaac ugu abuurtay, maadaama uu ahaa ururkii horey maxkamadda uga dalbaday in dib loogu laabto doorashadii Galmudug, kadib markii uu ku dooday in la jebiyay qaar ka mid ah shuruucda iyo habraacyada doorashada.






